Quantcast
Channel: HALBEEG NEWS » today’s top stories
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10

Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland Arrimaha Dibadda Somaliland oo Maanta Gaadhay Dalka Koonfur Afrika kana Qaybgalaya Shirka 25aad ee Dhaqaalaha Adduunka oo Lagu Qabanayo Magaalada Cape Town ee Dalkaas Daawo Sawirada

0
0

Khamiis 04 June 2015 Hargeysa (HALBEEG)–Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo gudo jira safarkiisa shaqo ee xidhiidhka caalamka iyo siyaasadda dibadda dalka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay gelinkii dambe gaadhay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika. Wasiirka oo weftigiisa ay ku weheliso La-taliyaha Khaaaska ah ee Wasiirka Nimco Cilmi ayaa waxa si diirran ugu soo dhaweeyay Gagada Diyaaradaha Magaalada Cape Town xubno ka mid ah Guddoomiyaha Jaalliyadda Somaliland ee Koonfur Afrika Mudane Kayse Mursal Maxamed iyo xubno kale oo ka mid ah gudida iyo Jaalliyadda Somaliland bulshadooda Cape Town. Salaan iyo hadallo soo dhawayn ah kadib waxa loo sii galbiyay Weftiga Wasiirka Hudheelka ay ka degeen magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika (South Africa).

Gudida Jaalliyadda Somaliland ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin inay wefti heerkan ah oo ka socda dalkooda ku soo dhaweeyaan Cape Town, marwalbana ay dhaqan iyo caado u tahay inay si niyadsami usoo dhaweeyaan wufuudda dalkooda ka socota, waxanay ka guddoomeen Wasiirka salaam uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Ujeedada safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Maxamed Biixi Yoonis ee Koonfur Afrika ayaa la xidhiidha Shirka 25aad ee Dhaqaalaha Adduunka (25th World Economic Forum) oo dalkaasi martigeliyay, kana dhacaya magaalada Cape Town 3-5-ta bisha June laguna martiqaaday dawladda Somaliland. Shirkan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay shirkii ugu weynaa ee noociisa ah ee lagu qabto gobolka, waxana ka soo qaybgalaya inka badan 90 wasiiro, saraakiil sarsare iyo hoggaamiyayaal kala duwan, 83 shirkado ganacsi waaweyn oo caalami ah iyo dhinacyo kale oo guud ahaan ku metelaya 75 wadan.

Shirkan oo halku dheggiisa loo qaatay “Horraysiyo Dambaysaba: Malee Mustaqbalka Afrika” (Then and Now: Imagining Africa’s Future) ayaa lagaga hadli doonaa halkay gaadhay qaaraddu dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo siyaasad ahaanba intii ka dambaysay 1990-kii iyo sidoo kale iyadoo la kaashanayo waaya aragnimada, hal-abuurnimada iyo khayraadka daneeyayaasha oo kala duwan sida wajahi karo horumar buuxa, lagana gudbi karo caqabadaha jira (http://www.southafrica.info/news/wef-010615.htm#.VW8gTM-qqko). Shirkan ayaa aad diirada u saaraya horumarinta ganacsiga iyo hannaanka iskaashiga/isku xidhka xagga dhaqaalaha ee qaaradda Afrika. Waxa ka mid ah qodobada lagu lafa guri doono sidii wax looga qaban lahaa arrimaha tahriibka iyo la dagaalanka argagixisada oo saamayn ku leh dhaqaalaha Afrika

Ka qaybgalka shirkan iyo guud ahaan safarada shaqo ee Wasiirka Arrimaha Dibaddu ku gudo jiro todobaadadii u dambeeyay ayaa qayb ka ah dadaalka xoogan ee xukuumadda Somaliland ugu jirto xoojinta iyo kor u qaadida siyaasadda arrimaha dibadda dalka Somaliland ee kasbashada xidhiidhka iyo iskaashiga wadamada iyo jilayaasha dunida, horumarinta qadiyadda madaxbannaanida JSL iyo ictiraaf raadinta, soo jiidashada maalgashiga iyo taageerada caalamka ee dhinacyada kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga, arrimaha bulshada, nabadgelyada iwm.

Source: Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL

sawir sawir1 sawir3

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10

Latest Images

Trending Articles





Latest Images